Skip to content
July 28, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Runta AMISOM IYO RA”YIGEENNA

AMISOM waxaa lagu kordhinayaa 2kun askari oo dheeraad ah, si degdeg ah, go’aankaasi waxaa lagu gaarey shirkii madaxda Afrika ee Kampala laakiin isbarbaryaaca ka dhex jira DKMG ah ayaa ah jalaafada ugu weyn ee AMISOM hortaala

Walloow laga yaabo in madaxda Afrika ay ku doodayaan in sababta ay ciidamada u dirayaan ay tahay difaaca DKMG ah, hadana sida ku xusan xog la hordhigey fadhiga, DKMG ah waa ilduufka ugu weyn ee ay AMISOM iska illaalineyso Xogta muhiimka ah eek u jirta qoraal ay soo diyaariyeen gudi qubaro militari ah oo Xamar booqdey oo shirkii Kampala laga qeeybiyey ayaa ah in ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah uu ka dhex jiro kala shaki culus iyo is aaminaad darro ragaadisey baa la yiri talaabo qaadkii AMISOM.

Waxaa warbixinta lagu sheegey in ciidamada DKMG ah aysan lahayn xerooyin cayiman oo ay ku xaroodaan, sidaasi darteedna meel kasta oo ay jiif ka helaan iska dhacaan kuna hoydaan, waxaa intaasi dheer in aysan lahayn xarun madaxeed laga hago ciidamada oo lagala socdo dhaqdhaqaaqooda iyo howlgaladooda. Warwarka ugu weyn ayaa ah in ciidamada cusub ee tabobarka kasoo baxa aysan lahayn meel ay kusoo hirtaan marka ay dalka kusoo laabtaan, waxaa intaasi dheer in DKMG aysanba heynin diiwaanka rasmiga ah ee ciidamada u dagaalama.

Ereybixintii ugu cusleyd ee loo adeegsado qeexista DKMG ah ayaa ahayd in la yiri “waa dowlad aan aragti lahayn”, waxa ay warbixinta calaamad su’aal saareysaa sida ciidamada AMISOM wax guul ah uga gaari karaan dagaalada mar haddii ay dowladii sidaasi tahay. Qarashka AMISOM ku baxa 75% waxaa bixiya 5 dal oo Afrikaan ah, sanadihii lasoo dhaafeyna dowlada Maraykanka oo kaliya waxay ku bixi $176 malyuun oo doolar, Johnny Carson waa wakiilka Maraykanka ee Afrika, mar uu hadlay wuyxuu sheegey in loo baahanyahay in la xoojiyo ciidamada AMISOM si looga taagroonaado Alshabaab, sida uu hadalka u dhigey.

Ciidamada cusub waxay ka imanayaan Uganda iyo Burundi Sida ay sheegayaan dadkii falanqeeyeyaasha ahaa ee la socdey shirkani ma ahayn mid ay kasoo baxeen go’aanadii laga filayay, gaar ahaan wixii ay DKMG ah ka fileysay oo ahaa in markaliya wadamo badan ciidamo Xamar u diraan, dhaqaalo badana lagu yabooho, tani waxaa ugu wacan ayaa la leeyahay habacsanaanta iyo faashilnimada DKMG ah oo ay madax badan ka niyad jabeen warbixintii la hor dhigey

June 11, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Kubbadda Cagta Koobkeedii 2010 oo ka Bilowday Koofurta Afrika

Magaalooyin aad u qurux badan oo ku yaalla dalka Koonfur Africa waxaa si rasmi ah galabta uga furmay Ciyaaradaha Koobka adduunka ee sanadka 2010 oo South Africa ay noqoneyso dalkii ugu horeeyey ee African ah oo martigeliyo.

Xaflad ballaaran oo loo qabtay furitaanka Ciyaarta ayaa ka dhacday bartamaha garoon Johannesberg ku yaalla oo halkii mar qaadi karo 94,000 oo qof, waxaa ka soo qeybgalay munaasabadda furitaanka madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka (FIFA) Sed Bletter, madaxweynayaal uu kamid yahay kan dalkiisa martida loo yahay ee Jocob Zuma iyo marti sharaf kale.

Mr Bletter oo garoonka dhexdiisa ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta ay maalin weyn oo taariikhi ah u tahay qaaradda Africa, sababtuna wuxuu ku tilmaamay in dalka kamid kuwa ugu waa weyn qaaradda uu ku guuleystay in uu qabto Ciyaaraha adduunyada, isagoo ugu hambalyeey madaxa African-ka Ciyaarta maanta.

”Waxaa yimid waqtiga African-ka waana maalin nagu weyn oo aan la hilmaami karin haddaanu nahay dadka Africa u dhashay, hambalyo”, waxaa sidaas cod faraxsan ku yiri Jocob Zuma madaxweynaha Koonfur Africa oo cudur daar ka bixiyey ka soo qeybgal la’aanta xafladda halgamaagii weynaa ee reer Koonfur Africa Nelson Mandela oo tacsi ay qoyskiisu gashay markii ay geeriyootay gabar uu awoowe u ahaa.

Ciyaarta waxaa lagu furay galabta Koonfur Africa iyo Mexico oo Group”A” ku wada jira, qeybtii hore ee ciyaarta waa la ismari waayey, markii la isku soo laabtay ayaa South Africa waxay dhashatay gool si qurux badan loo dhaliyey, nasiib darrose ciyaarta oo ay 20-daqiiqo ka dhiman tahay ayey gool keensatay Mexico, sidaasna Ciyaartu waxay ku dhamaatay barbar dhac.

Ciyaarta xigta waxaa isaga hor-imanayo France iyo Uruguay ee isla Group”A”. mar dhaw. Koobka adduunka waxaa ka qeybgalayo 32 dal oo lix kamid ah ay Africa ka socdaan.

May 23, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Shabaabka iyo Aamisoon oo Guulo Kala Sheegtay

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay guulo ka kala sheegteen dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

Kadib dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo taageero ka helayay Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ka dhaceen degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaaladaasi ka kala hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis ay iyagu qaadeen isagoo tilmaamay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen islamarkaana ay ku gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM hub faro badan ay ku qabsadeen sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Buhuuku oo isna Shabelle la soo xiriiray ayaa waxa uu beeniyay sheegashada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ku aadan in ay gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamada AMISOM isagoo tilmaamay in haba yaraatee dagaalkii shalay uusan wax qasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ay ka qeybqaateen markii Xarakada Shabaab ay soo gaareen agagaaraha Baarfiyaat iyo nawaaxiga Isgoyska Jubba islamarkaana ay jawaab cad tuseen sida uu hadalka u dhigay.

Dagaaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo barac xoog leh oo ay sameeyeen dadkii degmooyinkaasi ku dhaqnaa.

May 13, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Aadan Madoobe oo Waqti Qabtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta kaga dhawaaqay Muqdisho xilliga ay si rasmi ah u furmayaan kulammada baarlamaanka oo muddo dheer hakad ku jiray.

Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen guddiyada Baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta Axadda ah ee toddobaadka soo socda uu furmayo kulanka Baarlamaanka uuna ka furmayo xarunta Golaha Shacabka oo dayactir lagu sameeyay.

“Markii aan la kulannay guddiyo loo xilsaaray kasoo shaqeynta xilliga uu furmayo kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka waxay noosoo gudbiyeen in shirka uu furmi karo Maalinta Axadda ah ee soo socota” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada ku sugan Magaalada Muqdsiho inay kasoo qaybgalaan kulammadda Baarlamaanka si ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ay xilka u hayaan.

“Xildhibaannada dalka dibaddiisa ku maqan waxaan ku boorrinaynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabtaan ayna ka qaybgalaan kulammada furmaya, xildhibaankii uu dhaafo kulanka hore waa inuu ku dadaalo sidii uu kan lahaad uga soo gaari lahaa” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Mudanayaasha kasoo horjeeda guddoonka baarlamaanka ayaa Muqdisho ka sheegay inaysan ka qaybgalay kulan uu Sheekh Aadan Madoobe guddoominayo, waxayna ka digeen in shirarka Baarlamaanka uu furo Sheekh Aadan Madoobe.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wax kulammo ah yeelan muddo sannad ku dhow, kaddib markii la kala fasaxay bishii September ee sannadkii hore, waxaana tani iyo xilligaas ay dib-u-dhacyo ku imaanayaan furintaanka fadhiyada baarlamaanka.

May 7, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Shabaab oo Ciasaray dad Deggan Xamar

Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta xukunno tacsiir ah ku fulisay Yuusuf Macallin Cali iyo Macallin Cismaan Nuur oo lagu eedeeyay inay sameeyeen Qudbo-siro.

Sheekh Cumar oo ah qaaliga Maxkamaddii xukunka tacsiirta ah ku riday labadan qof ayaa sheegay in ciidamada Xisbadu ay soo qabteen iyagoo Qudbo-sirada ku dhex jira ayna Maxkamaddu ku xukuntay Karbaash.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay Yuusuf Macallin Cali oo ahaa ninkii sameeyay Qudbo-sirada oo 67-jir tacsiir 20-Karbaash ah, sidoo kale Macallin Cismaan Nuur oo ahaa Sheekhii ku mehrinayay gabadha waxaa lagu xukumay 30-karbaash” ayuu Maxkamadda horteeda ka sheegay Qaaliga Maxkamadda Xarrkatul Shabaab.

Xukunkan tacsiirka ah ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee Duleedka Muqdisho iyadoo ay daawadayaal ka ahaayeen dadweyne fara badan oo ka koobnaa rag iyo dumar, waxaana isla goobta laga sheegay inuusan jirin meherkaas.

Inkastoo gabadaha la mehersaday aan goobta la keenin, haddana Sheekh Cumar wuxuu sheegay in meher aanu joogin wakiilka gabadaha uu yahay mid ka baxsan diinta Islaamka, lana karbaashi doono ciddii lagu soo qabto.

Xukunka lagu fuliyay labadan qof oo kii ugu horreeyay noociisa oo ay Xarrakatul Shabaab ka fuliso Muqdisho ayaa haddana waxaa caado ka ah Magaalada Muqdisho in dhallinyarada haweenka iyo ragga ah ay sameeyeen Meher-Qarsoodi ah.

Maxkamadda ayaa hal todobaad ka hor fulisay xukun dil ah iyo mid xad ah, kaddib markii lasoo taagay Maxkamadda laba qof oo ku eedeysnaa xatooyo iyo dil bareer ah, waxaana xukunkaas lagu fuliyay goob fagaare ah.

April 28, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Ahlusuna oo Lagu Arkay Albaabka bakaaraha

Iyadoo shalay markii u horeysay Magaalada Muqdisho lagu arkay Ciidamo taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, isla markaana si toos uga qeyb qaatay dagaalada ayaa Ciidamada Ahlu Sunah ay yihiin kuwo ku siqaya Xaafado hor leh.

Ciidamada Ahlu Sunah ayaa ka bar bar dagaalamay Ciidamada Dowladda, inkastoo ay kaga sareeyaan xaga moraalka dagaalada, isla markaana ay ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalada.

Mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray Xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inuu indhahiisa saaray Ciidamada Ahlu Sunah oo madaxa kaga duuban camaamado oo ku sugan Xaafadaha Hodan iyo H/wadaag.

Wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Suuqa Bakaaraha oo ah wadada kaliya ee looga galo Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Ahlu Sunah, kuwaasoo si aad ah ugu dhowaaday Suuqa.

Sidoo kale Ciidamada Ahlu Sunah ayaa galay xaafado ka tirsan Degmada H/wadaag, gaar ahaan laamiga dhinaca Sayidka looga dago, iyagoo kaabiga u saaran Isgoyska H/wadaag.

Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay bilaabeen Ahlu Sunah ayaa la sheegay mid bilow u ah dagaalo ay Muqdisho si toos uga bilaabaan, iyadoo shalay ay aheyd bandhigii u horeeyay ee gulufkooda dagaal.

Afhayeenka Ahlu Sunay Abuu Yuusuf ayaa sheegay inuu bilaabay dagaalkii ay Muqdisho kaga xoreynayeen dhinacyada ka soo horjeeda, isagoo xusay in saacadaha soo socda ay geli doonaan Suuqa Bakaaraha.

April 22, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo Qaahira ka Socda

Kulankii kooxda Xariira Caalamiga ee Soomaaliya ayaa galabta ka furmay Magaalada Qaahira ee dalka Masar iyadoo Jaamacada Carabtana ayh Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay ciidamo u soo dirto dalka Soomaaliya.

Kulankaani oo ahaa kii 17 aad ee Kooxda Xariirka Caalamiga ee ku howlan mushilada Soomaaliya Maanta uga furmay Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay beesha Caalamka iyadoo furutaanikiisana laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhamaantood quseeyay xaalada amaan ee dalka Soomaaliya.

Agaasimaha qeybta Africa ee Ururka Jaamacada Carabta Ambasador Samiir Xusni oo kulankaasi furay ayaa qudbad halkaasi uu ka jeediyay ku sheegay in Jaamacada Carabta wax kasta ay la garab taagantahay dowladda KMG ee Soomaaliya si ay ugu babac dhigto Caqabadaha ka hortaagan fulinta Barnaamijyada iyo mashaariicdeeda ku aadan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Samiir Xusni ayaa si kulul u cambaareeyay sii socoshada dagaalada hubaysan ee Soomaaliya isagoo sheegay in dagaaladaasi ay wiiqayaan oo ay fashilinayaan aayaha dadaalada wadajirka ah ee ku aadan dib u heshiisiin qaran oo ka hirgasha Soomaaliya. Isagoo tilmaamay in wadahadalku uu yahay wadada kaliya ee lagu gaari karo dib u heshiisiin.

Waxaa uu intaasi ku daray in Jaamacada Carabtu ay sidoo kale si weyn u taageereyso doorka Ururka midowga Africa oo uu sheegay in Soomaaliya uu wakiil uga yahay beesha Caalamka.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha burcad badeednimada ayuu Samiir Xusni sheegay in mushkilada burcad badeedu ay tahay arin u baahan iskaashi Caalami ah iyo in amniga iyo Xalisoonida Soomaaliya dib loo soo celiyo islamarkaana laga gacan siiyo dhisida ciidamadii badda si ay u damaanad qaadaan amaanka biyaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Wakiilka gaarka ah ee Jaamacada Carabta u qabailsan arimaha Soomaaliya Ambasador Saalim Khasiibi ayaa ugu baaqay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in ciidamo nabada ilaaliya ay u soo diraan Soomaaliya.

Dhiniciisana wasiirka arimaha dibada dowladda KMG ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay taageeraan shirka Caalamiga ee ku saabsan Soomaaliya oo lagu wado in bisha soo socota uu ka furmo Magaalada Istanbul ee Xarunta dalka Turkiga taasoo uu sheegay in uu soo celinayo Rajada Malaayiin qof oo Soomaali ah.

Dhanka kale Wakiilka Midowga Africa shirkaasi uga qeyb galay Abuubakar Diyaara ayaa isna sheegay in Ururka midowga Africa ay kooxda Xariira caalamiga kala shaqeynayaan amni iyo Xasilooni ku soo celida Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana wakiilka Midowga Yurub shirkaasi uga qeyb galaya uu sheegay in midowga Yurub ay dowladda KMG ka taageerayaan dhinacyada amaanka iyo bini’aadanimada.

Sidoo kale wakiilka Ururka Islaamka ee shirkaasi Ambasador Mahdi Fatxulaah ayaa isna sheegay in Ururka Islaamku ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya ay ugu taageeri lahaayeen dhaqaale Islamarkaana Xafiisyo qaabilsan dhinaca bini’aadanimada ay uga furi lahaayeen Magaalada Mqudisho.

April 20, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

OGEYSIISYADA OGAALNET

Ogeysiis Gaadiidka Dadweynaha

Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa ogeysiiskan ku soo dhejiyey Ogaalnet.

Ogeysiiskani wuxuu la hadlayaa darawallada gaadiidka gaarka ah iyo kuwa dadweynaha daabbula ee degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

Xisbigu wuxuu mamnuucayaa in baabbuurta muraayadaha madow leh ay maraan magaalada dhexdeeda.

Sidaa ula socda.

Hotel Jaabburi Degmada Baardheere

Hotel Jaabburi wuxuu diyaar kuula yahay jiif wanaagsan iyo qiime jaban. Hotel Jaabburi wuxuu ku yaal buundada Baardheere cirifkeeda Waqooyi-Bari.

Qiimaha habeenkii waa 150,000/=. Hal qol ah kama kirayno ragga iyo Dumarka aan wadanin caddayn guur.

Riwaayaddii Qarax Caashaq

Kooxda Gabay iyo Guux waxay dhigaysaa Riwaayad Cusub oo majaajillo ah. Riwaayaddan waxaa la yiraahdaa Qarax Caashaq! Riwaayaddani waa mid aad kaaga qoslin doonta.

Axadda soo socota weeye waqtiga riwaayaddu. Meeshu waa Tiyaatarka Jigle ee Degmada Caabud Waaq.

April 20, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

Ehelada Ninkii Dilka Lagu Xukumay oo Go’aankaa Gaashaanka ku Dhuftay

Ehelada taliyihii hore ee ciidamada Sirdoonka ee Maamulka Somaliland ee gobalka Sool, oo ay dhawaan dil ku riday Maxkamada uu leeyahay Maamulka Somaliland, waxa ayna ku sheegeen xukunkaas mid uusan waxba kajirin oo aysan haba yaraatee raali kanoqon doonin.

Odayaasha beesha uu kasoo jeedo ninka la xukumay ayaa sheegay in uusan cadalaad aheyn qaraarka Maxkamadu, islamarkaasna ay tahay mid dhinac ah, iyagoo sheegay in aan la helin wax makhraati ah oo ku fura dambiga loo heystay ninkaas,iyagoo sheegay in laga muujiyey maxkamada waxyaabo been ah oo ay sheegeen in uusan qarin dambiga loo heystay.

Odayaashan ayaa sheegay in ay talaabo kaqaadan doonaan Xukunka Maxkamadaas, waxa ayna sheegeen in ay ka soo tageen oo aysan ku laaban doonin fadhi dambe oo maxkamadaas ah, waxa ayna sheegeen in aysan noqon doonin oo ay talaabo ka qaadi doonaan.

Xubnahan ayaa sheegay in ninka dambiga loo heysto uu ahaa Sarkaal ka tirsan maamulka,isla markaasna aysan dhici karin uuka dambeeyey qarax lugu dilay taliye ciidan, waxa ayna sheegeen in ay tahay arrin Siyaasad adag kadambeyso.

Odayaasha iyo Aqoonyahanka ayaa ugu baaqay in Maamulka Somaliland la baxay uu ka fiirsado talaabooyinka noocaas ah,waxa ayna sheegeen in ay kala xisaabtami doonaan xukumada qaldan ee dadkaas lugu soo rogay.

April 19, 2010 / WAR HEL AAD GARAWDIDE

ASWJ oo Maaamul Cussub Banaadir u Magacaawday

Culumaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta magacaabeen Xoghayaha ururkooda ee Gobolka Banaadir, kaddib kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ahlusunna Waljamaaca uga wakiilka noqonaya Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Sheekh C/qaadir Macallin Nuur iyadoo Afhayeenka guudna loo magacaabay Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi), iyadoo tani ay jawaab u tahay magacaabid ay dhawaan magacaabeen xubno kale sheegay inay yihiin garab Ahlusunna ka tarisan Afhayeenka iyo Madaxa Howlgallada Gobolka Banaadir.

Sheekh Aadan Macallin Qudubi oo ku dhawaaqay magacyada mas’uuliyiinta cusub ee loo magacaabay inay Wakiil uga noqdaan Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhawaan magacaabi doonaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ahlusunna.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo hadal jeediyay magacaabidda Wakiillada Gobolka Banaadir ee Ahlusunna ayaa sheegay inay Muqdisho ku yimaadeen socdaal uuna socodkooda qayb ka ahaa inay dhisaan maamulkaan.

“Qof walba oo Ahlusunna ka tirsan waxaan u sheegaynaa in arrintan ay tahay mid aanan ku doonayn Jago, balse ay tahay mid aan ugu dhawaanayno Alle, oo aan ku doonayno inaan ku badbaadino diinta Islaamka” ayuu yiri Sheekh Xeefoow.

Shirka Magacaabidda Mas’uuliyiintan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda, wuxuuna ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xubnaha xilalka loo magacaabay ay sheegeen inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.