Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo Qaahira ka Socda
Kulankii kooxda Xariira Caalamiga ee Soomaaliya ayaa galabta ka furmay Magaalada Qaahira ee dalka Masar iyadoo Jaamacada Carabtana ayh Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay ciidamo u soo dirto dalka Soomaaliya.
Kulankaani oo ahaa kii 17 aad ee Kooxda Xariirka Caalamiga ee ku howlan mushilada Soomaaliya Maanta uga furmay Xarunta Jaamacada Carabta ee Magaalada Qaahira ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay beesha Caalamka iyadoo furutaanikiisana laga jeediyay qudbado kala duwan oo dhamaantood quseeyay xaalada amaan ee dalka Soomaaliya.
Agaasimaha qeybta Africa ee Ururka Jaamacada Carabta Ambasador Samiir Xusni oo kulankaasi furay ayaa qudbad halkaasi uu ka jeediyay ku sheegay in Jaamacada Carabta wax kasta ay la garab taagantahay dowladda KMG ee Soomaaliya si ay ugu babac dhigto Caqabadaha ka hortaagan fulinta Barnaamijyada iyo mashaariicdeeda ku aadan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.
Samiir Xusni ayaa si kulul u cambaareeyay sii socoshada dagaalada hubaysan ee Soomaaliya isagoo sheegay in dagaaladaasi ay wiiqayaan oo ay fashilinayaan aayaha dadaalada wadajirka ah ee ku aadan dib u heshiisiin qaran oo ka hirgasha Soomaaliya. Isagoo tilmaamay in wadahadalku uu yahay wadada kaliya ee lagu gaari karo dib u heshiisiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in Jaamacada Carabtu ay sidoo kale si weyn u taageereyso doorka Ururka midowga Africa oo uu sheegay in Soomaaliya uu wakiil uga yahay beesha Caalamka.
Mar uu soo hadal qaaday arimaha burcad badeednimada ayuu Samiir Xusni sheegay in mushkilada burcad badeedu ay tahay arin u baahan iskaashi Caalami ah iyo in amniga iyo Xalisoonida Soomaaliya dib loo soo celiyo islamarkaana laga gacan siiyo dhisida ciidamadii badda si ay u damaanad qaadaan amaanka biyaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Wakiilka gaarka ah ee Jaamacada Carabta u qabailsan arimaha Soomaaliya Ambasador Saalim Khasiibi ayaa ugu baaqay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in ciidamo nabada ilaaliya ay u soo diraan Soomaaliya.
Dhiniciisana wasiirka arimaha dibada dowladda KMG ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay beesha Caalamka in ay taageeraan shirka Caalamiga ee ku saabsan Soomaaliya oo lagu wado in bisha soo socota uu ka furmo Magaalada Istanbul ee Xarunta dalka Turkiga taasoo uu sheegay in uu soo celinayo Rajada Malaayiin qof oo Soomaali ah.
Dhanka kale Wakiilka Midowga Africa shirkaasi uga qeyb galay Abuubakar Diyaara ayaa isna sheegay in Ururka midowga Africa ay kooxda Xariira caalamiga kala shaqeynayaan amni iyo Xasilooni ku soo celida Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana wakiilka Midowga Yurub shirkaasi uga qeyb galaya uu sheegay in midowga Yurub ay dowladda KMG ka taageerayaan dhinacyada amaanka iyo bini’aadanimada.
Sidoo kale wakiilka Ururka Islaamka ee shirkaasi Ambasador Mahdi Fatxulaah ayaa isna sheegay in Ururka Islaamku ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya ay ugu taageeri lahaayeen dhaqaale Islamarkaana Xafiisyo qaabilsan dhinaca bini’aadanimada ay uga furi lahaayeen Magaalada Mqudisho.
