Shabaabka iyo Aamisoon oo Guulo Kala Sheegtay
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay guulo ka kala sheegteen dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir.
Kadib dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo taageero ka helayay Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay ka dhaceen degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaaladaasi ka kala hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Shibis ay iyagu qaadeen isagoo tilmaamay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen islamarkaana ay ku gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM hub faro badan ay ku qabsadeen sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bariijiye Buhuuku oo isna Shabelle la soo xiriiray ayaa waxa uu beeniyay sheegashada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ku aadan in ay gubeen Taangi ay lahaayeen Ciidamada AMISOM isagoo tilmaamay in haba yaraatee dagaalkii shalay uusan wax qasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada AMISOM.
Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ay ka qeybqaateen markii Xarakada Shabaab ay soo gaareen agagaaraha Baarfiyaat iyo nawaaxiga Isgoyska Jubba islamarkaana ay jawaab cad tuseen sida uu hadalka u dhigay.
Dagaaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo barac xoog leh oo ay sameeyeen dadkii degmooyinkaasi ku dhaqnaa.
